Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Guud ee Q,M. ee New York oo Culeyska Lagu saaray Qaxootiga


Shirka guud ee golaha loo dhanyahay ee qaramada Midoobay ee ka Socda Magaalada New York ayaa arrimaha sanadkan culayska la saaray waxaa ka mid ah arrinta qaxootiga caalamka.

Madaxda caalamka ee ku sugan kulanka ayaa si wayn uga halday xaaladda qaxootiga caalamka ee dhaq dhaqaaqoou uu maalinba maalinta ka dambeysa sare u sii kaceysa. Waxa ay madaxdu ka hadleen waxa sababaya in qaxootigan ay soo barakacaan, duruufaha ka dambeeya in ay soo galaan safarrada dhaa dheer ee ay ku beegsanayaan dalaka shisheeye ee ay ku doonayaan in ka helanaa amni, nabad iyo wax barasho.

Dalalka qaxootigooda lagu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah Soomaaliya oo ay qaxooti badan uga daadsan yihiin meelo badan oo caalamka ka mid ah

Haddaba Caasha Ibrahim Aaden oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ayaa waraysi ku saabsan xaaladda qaxootiga Soomaaliya waxa ay la yeelatay Guddoomiyaha Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee Soomaaliya Axmed Daahir C/kariim Nuur oo ka mid ah madaxda shirkan ka qaybgalay.

Dhageyso Guddoomiyaha Hay'adda Qaxootiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:34 0:00

XS
SM
MD
LG