Isku xirrada

Laba Nin oo Lagu Dilay Galguduud


Galgudud region, Somalia

Galgudud region, Somalia

Laba nin aya lagu dilay Deegan lagu magacaabo Ari –Cadeeys oo u dhexeeya degmooyinka Caabud- waaq iyo Balanbale,kadib markii maleeshiyo hubeeysan ay jid-gooyo u dhigteen tacshiiradna ku fureen.

Sidoo kale waxaa goobta ku dhaawacmay wadihii gaarigii ay la socdeen nimanka la dilay iyadoo qof kale oo rakaabka ka mid aha uu dhaawacmay.

Labada nin ee la dilay ayaa la rumeeysan yahay in ay u shaqeeynayeen ha,yad lagu magacabo Helo Trust.

Warar VOAda heshay ayaa sheegay in dilkan uu daba socdo, dil horaantii bishan ka dhacay Caabud-waaq oo lagu dilay nabaddoono kaasi oo la xiriira aargoosi qabiil.

Ma jirta ilaa iyo hadda cid ka tirsan mas’uuliyiinta GalMudug oo ka hadashay dilkaasi iyo cid sheegtay mas’uulidda dilkan.

XS
SM
MD
LG