Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Banaanbax Ka Dhan ah Kenya oo Muqdisho ka Dhacay


Banaanbax ka dhacay Muqdisho
Banaanbax ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ku banaan baxay boqolaal qof oo u badan dumar si ey taageero ugu muujiyaan dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aadan muranka dhinaca badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa dacwad ay maalintii saddexaad uga socotaa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee magaalada Hague ee dalka Holland.

Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maamulkiisu uu soo qaban qaabiyay banaan baxan ayaa dibad baxayaasha u sheegay in Soomaaliya aysan ka tanasuli doonin taako ka mid ah dhulkeeda badda iyo berigba.

Wariyeheenna Magaalada Muqdisho Xaasan Kaafi Cabdiraxman Qoyste ayaa warbixintan inoo soo diray.

Banaanbax ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:39 0:00

XS
SM
MD
LG