Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Mareykanka oo Wareejiyey Meydka Daahir Axmed Aadan


This image from video provided by KSTP 5 television in Minneapolis, Minnesota, shows people standing outside the scene of a stabbing at the Crossroads Center mall in St. Cloud, Minnesota.
This image from video provided by KSTP 5 television in Minneapolis, Minnesota, shows people standing outside the scene of a stabbing at the Crossroads Center mall in St. Cloud, Minnesota.

Booliska Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa xalay ku wareejiyey qoyska dhalay Daahir Axmed Aadan oo ah wiil Soomaali/Mareykan ah oo toorreey ku weeraray dad ka dukaameysaneyey suuqa magaalada St Cloud ee gobolka Minnesota.

Wali waxaa socda baaritaano ay wadaan booliska oo ay ku hubinayaan inuu xiriir la lahaa argagixiso caalami ah iyo in kale.

Dahir ayaa Sabtidi ku dhaawacay suuqa magaalada St. Cloud ee gobolka Minnisota 11 ruux, kadib marki uu tooreey ku weeraray, ka hor inta uusan toogan askari ka tirsan booliska.

Sii deynta meydka marxuumka ayaa waxaa VOA-da u xaqiijiyey qareenka qoyska oo lagu magacaabo Abdiwahid Sh Osman Qalinle, waxana ugu horeyn uu ka hadlayaa wax aka jira in qoyska ay meydka la wareegeen.

Wareysiga qareen Cabdiwaaxid Qalinle
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:30 0:00


XS
SM
MD
LG