Isku xirrada

Obama oo Khudbad u Jeediyey QM


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in dunida ay tahay inay garowsato in isku furnaanshaha caalamka ee dadka isku keenay uu sidoo kale soo saaray dal daloolo badan.

Khudbaddiisii ugu dambeysay ee uu ka jeediyo kulanka guud ee QM isaga oo ah madaxweynaha Mareykanka, ayuu Obama maanta kaga hadlay burburka ku yimid bariga dhexe, isaga oo sheegay in bulshada caalamka uu madow badan hareeyey.

“Waxaan aragnaa in dalal badan ay aamusinayaan suxufiyiinta, caburinayaan mucaaradka, iskuna dayayaan inay maamulaan qulqulka akhbaaraadka” ayuu yiri Obama.

“Kooxaha argagxisada waxay ay baraha bulshada u adegesanayaan inay baddalaan maskaxda dhallinyarada, ayna halis geliyaan bulshooyinkeena, ayaga oo abuuraaya carro ka dhan ah dadka muhaajiriinta” ayuu si raaciyey madaxweyne Obama.

Kulanka guud ee QM oo uu maanta furay xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon ayuu ku baaqay in lasoo geba gebeeyo dagaalka Syria.


XS
SM
MD
LG