Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dacwada Badda ee Kenya iyo Somalia oo Gashay Maalintii Labaad


Dacwada Badda
Dacwada Badda

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee magaalada Hegue ayaa maanta maalintii labaad dhageysatay dacawadda muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa shalay dhageysatay doodii Kenya, oo ku doodeysay in dib loogu noqdo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen 2009-kii. Dacawaddana lagu dhameeyo wada xaajood.

Maantana Soomaaliya ayaa soo bandhigtay doodeeda.

Wariyeheenna Xuseen Barre Aaden ayaa arrintan ka wareystay Xeer ilaaliyaha Qaran ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo ka mid ah Kooxda dhinaca shariciga ee ay Somalia u dirtay Maxkamadda.

Dacwada badda oo gashay maalintii labaad
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:26 0:00

XS
SM
MD
LG