Shirka golaha guud ee Qaramada Midoobe oo galaya maalinkiisii labaad maanta ayaa looga hadlay mushkiladaha qaxootiga caalamka iyo sidii wax looga qaban-lahaa.
Caalamka, ayaa doonaya in uu xalliyo wax yaabaha keena inay dadku qaxooti noqdaan. Qaxootiga Soomaalida ee dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa si gaar ah wakiillada waddamadasi shirka uga qeyb galaya ay ka hadleen. Waa tan wariyaha VOA Caasho Ibraahim Aadan oo ku sugan xarunta shirka uu ka soconayo ee magaalada New York.