Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lacag Lagala Baxay Bankiga Dhexe ee Somalia


Sarkaal ka Tirsan Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Khasnadda Dawladda ay ka maqan tahay lacag gaadhaysa 48,000 oo Dollar isaga oo Eedayn u soo jeediyey saraakiil ka tirsan dawladda oo uu sheegay inay hor istaageen amaro maxkamadeed.

Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar oo VOA u sheegay inuu yahay Guddoomiye ku Xigeenka Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir, ayaa eedayn u jeediyey Guddoomiye ku Xigeenka Bangiga Dhexe.

Lacagtan ayaa hore loogu eedeeyey inuu lunsaday Khasnajigii Bangiga Dhexe u fadhiyey Dekedda Muqdisho, taas oo maxkamaddu ku xukuntay khasnajiga illaa 15 sannadood oo xadhig ah ka dib markii eeddaas lagu helay, hase ahaatee uu racfaan ka qaatay xukunkaas hore ugu dhacay.

Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa sheegay in Maxkamadda Racfaanku ay xukun ridday 24/07/2016, kaas oo ay burisay xukunkii maxkamadeed ee hore, wuxuuna sii daayey Khasnajigii la eedeeyey, Garsoorahan ayaa ku dooday in xukunka maxkamadda hore uu ahaa mid aan cadaalad ahayn, isaga oo sheegay in Khasnajigu aanu ahayn qofka lacagta qaatay hase ahaatee wuxuu eedayn u jeediyey Agaasimaha Maaliyadda u fadhiya Dekedda oo uu ku tilmaamay in lacagtaasi xaggiisa ku maqan tahay.

Isla Arrintan oo VOA wax ka weydiisay Guddoomiye ku Xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Maryan Cabdullaahi Yuusuf, oo ka mid ah saraakiisha Dawladda ee uu eedaynta u jeediyey Garsoorahani ayaa sheegtay in lacagta maqani ay tahay 48,000 oo dollar isla markaana ay ku maqan tahay Khasnajigii u joogay Dekedda, kaas oo u qirtay laamaha ammaanka iyo kuwa garsoorkaba in lacagtaasi ku maqan tahay, waxayna sheegtay in maxkamaddu ay dembi ku heshay khasnajigaas.

Guddoomiye ku Xigeenka Bangiga dhexe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedaha uu jeediyey Garsooraha warbaahinta la hadlay, iyada oo sheegtay inuu yahay qof aan xaqiiq ka hadlayn oo sharciga baalmaray ka dib markii uu sifo sharci-darro ah ku sii daayey eedaysane maxkamadi dembi ku heshay.

Waxayna su'aal gelisay inuu weli hayo xilka uu sheeganayo ee ah Guddoomiye ku xigeen ka tirsan Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir, ayna u malaynayso inuu hadalkan aan sugnayn inuu warbaahinta siiyey ka dib markii uu ogaaday in tallaabo laga qaaday oo shaqada laga joojiyey.

Sidoo kale waxaa VOA la hadlay Cabdi Maxamed Aw-barre oo ah sarkaalka wasaaradda Maaliyadda u qaabilsan Dekedda Muqdisho kaas oo sheegay inaanay jirin cid soo dacwaysay ama amar qabasho ah oo loo jaray, wuxuuna VOA u sheegay inuu ogyahay lacag lagu eedaynayo inuu lunsaday khasnajigii bangiga ee Dekedda oo dacwaddiisu ay maxkamadaha ka soto.

Waxaanu isku daynay inaan la hadalno khasnajiga la eedeeyey hase ahaatee wuu ka gaabsaday inuu arrintan ka hadlo.

Guddoomiye ku Xigeenka Bangiga Dhexe Faadumo Cabdullaahi Yuusuf ayaa sheegtay inaanay jirin wax lacag ah oo ka maqan bangiga dhexe ama laamaha maaliyadda oo aan ka ahayn lacagtaas dacwaddeedu ay maxkamadaha ku jirto.

Haddaba warbixin amuurahaas ku saabsan waxaa innoo haya Ismaaciil Xuseen Farjar.

Lacag la sheegay in laga baxay bankiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:49 0:00

XS
SM
MD
LG