Isku xirrada

Dhageysiga Kiiska Badda Somalia Oo Billaabantay


somalia map

somalia map

Magaalada Hague ee dalka Netherland waxaa maanta ka bilaabantay dhagaysiga dacwada muranka dhinaca xuduudda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dawladda Kenya ayaa ku doodaysa in maxkamaddan caalamiga ah aysan sharci u lahayn inay dhagaysato dacwadda, waxayna ku baaqaysaa in labada dawladood ay ka wada hadlaan muranka dhexdoodana ay ka heshiiyaan.

Dawladda Soomaaliya ayaan iydana la filayaa inay kiiskeeda ka horjeediso maxkamadda maalinta berry ah.

Warbixintan waxaa inooga diyaariyey Xuseen Barre Aadan.

XS
SM
MD
LG