Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jeneral Goobaale oo Muqdisho lagu Aasay


Aaska Jeneraal Goobaale
Aaska Jeneraal Goobaale

Jeneral Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale oo shalay lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa maanta isla magaaladaas lagu aasay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee marxuumka.

Tukashada salaadda jannaasada ee marxuum S/Guuto Goobaale, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole, madaxda maamullada Galmudug iyo Koonfuur Galbeed, saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida, iyo xubno ka tirsan qoyska marxuumka.

Madaxweynaha oo hadal kooban jeediyay tukashada salaadda kadib ayaa sheegay “in marxuumka uu ahaa geesi ka wada dhintey shacabka Soomaaliyeed, naftiisana u huray inuu cadowga ka dul kiciyo dadka iyo dalka.”

Weerarkii lagu dilay Goobaale ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay lix ka mid ahaa ilaalada marxuumka oo sida la sheegay la saarraa baabuurka uu watay.

XS
SM
MD
LG