Isku xirrada

Dad Qaraxyadii New York Lagu Tuhmayo oo la Raadinayo


Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da iyo booliiska magaalada New York ayaa raadinaya dad la tuhunsan yahay iyo xiriir laga yaabo inuu ka dhaxeeyo wax u ekaa bam oo qarxay habenkii sabtida iyo mid kale oo la helay.

Mas’uuliyiinta ayaa joojiyey baabuur laga shakiyey oo marayey qeybta Brooklyn ee magaalada New York, goor dambe oo habeenkii isniinta, waxaana FBI-da ay su’aalo weydiiyeen shan qof oo baabuurka saarnaa balse cidna ma aysan kusoo oogin dacwado.

Qaraxa oo habeenkii sabtida ka dhacay xaafadda Chelsea ayaa waxa uu dhaawacay 29 qof. Dhammaan dadkaas ayaa laga saaray isbitaalka, waxaana gaaray dhaawacyo fudud kaliya.

Aalad kale oo waxyar kadib la helay ayaa waxaa ku xirnaa taleefon. Booliiska ayaa sheegay inay aaladdaas si nabadgalyo leh uga saareen goobta.

FBI-da ayaa labada aalad ee midda qaraxday iyo tan kaleba ku baaraya shaybaar ku yaalla meel ku dhow magaalada Washington DC ee caasimadda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG