Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho oo Laga Mamnuucay Bannaanbaxyada


Muqdisho
Muqdisho

Maamulka gobolka Benaadir ayaa maanta soo saaray amar lagu mamnuucayo in magaalada lagu qabto kulamo iyo dibadbaxyo aanu maamulku ka warqabin.

Amarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Muqdisho ka bilowdeen ololaha doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya ee lagu wado in dalka ka dhacdo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa markiiba amarka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir gaashaanka u daruuray. Dadkaasi waxaa ka mid ah duqii hore ee magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Nur Tarsan oo tallaabadani ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo aan cid u joojin doonin.

Muqdisho waxaa warbixintan inooga soo diray wariyaheena Jacfar Kuukaay.

Warbixinta Mamnuucida Dibadbaxyada Siyaasadeed ee Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:22 0:00

XS
SM
MD
LG