Isku xirrada

US oo Ka Cadhooday Markii Ruushku isugu Yeedhay Golaha Ammaanka


Safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay ayaa ka cadhootay hadalka ka soo baxay Ruushka oo uu ugu baaqay golaha Ammaanka Qaramada Midoobay inay yeeshaan kulan degdeg ah galabnimadii sabtida, si ay u eegaan weerarada Maraykanku ka geystay dalka Syria, kuwaas oo u muuqda inay ku dileen askar badan oo ka tirsan xukuumadda Syria.

Samantha Power ayaa tallaabada Ruushka ku macnaysay inay tahay arrin xayaysiisa, oo la doonayo in dareenka looga leexiyo xadgudubyada kala duwan ee aan naxariista lahayn.

Waxay sheegtay in Maraykanku uu baadhayo duqayntaas, iyada oo markaas ka dib hadalkeeda u weecisay xadgudubyada soo noqnoqda ee ay ku kacaan ciidamada Syria kuwaas oo bartilmaameedsada cusbitaalo iyo dugsiyo, waxayna sheegtay in dhammaan xadgudubyadaas aanay dhicin in Ruushku uu isugu yeedho golaha Ammaanka si ay tallaabo u qaadaan.

XS
SM
MD
LG