Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Toorray oo Ka Dhacay Minnesota


Masuuliyiinta gobolka Minnesota ee dalkan Maraykank ayaa sheegay in sideed qof ay ku dhaawacmeen weerar mindi loo adeegsaday oo lagu qaaday suuq laga dukaamaysto oo ku yaalla magaalada Saint Cloud.

Taliyaha Booliska ee magaalada Saint Cloud William Blair Anderson ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan booliska oo aan xilligaas shaqada ku jirini uu toogasho ku dilay qofkii weerarka geystay.

Taliyaha Booliska ee Saint Cloud ayaa intaas sii raaciyey in qofka weerarka geystay laga soo weriyey inuu ku dhawaaqayey kelmedo ay ka mid yihiin ‘Allah’ intii uu weerarka mindida ah geysanayey, isaga oo dadka weydiiyey inuu jiro qof muslin ahi.

Hase ahaatee taliye Anderson ayaa sheegay inaanay caddayn sababta ku riixday qofkan inuu weerarka geysto.

Taliyaha Booliska ayaa xaqiijiyey in dadkii weerarka mindida ah ku dhaawacmay ay ka baxeen cusbitaalka marka laga reebo hal qof.

Ciidanka booliska ayaa xidhay suuqa weerarku ka dhacay iyaga oo xilligaas xadiday in cidi ka baxdo ama ay gasho.

XS
SM
MD
LG