Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faafaahinta Qasaaraha Dagaalki Ceelwaaq


Dagaal ka Dhacay Gobolka Gedo
Dagaal ka Dhacay Gobolka Gedo

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka bandanna waa ay ku dhaawacmeen ka gadaal dagaal shalay galnkii danbe ku dhexmaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kooxda Al Shabaab.

Dadka dagaalkaasi ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Colonel Aadan Maxamed Waceys (Aadan Koronto) oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Dowlada ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey kadib marki ay Al Shabaab laba jiho kasoo weerartay Ceelwaaq shalay.

Hadaba wararki ugu danbeeyey ee dagaalkaasi iyo xaalada degmada Ceelwaaq, waxaanu ka wareysanay Col. Warfaa Sheikh Aadan oo ah Afhayeenka Ciidamada dowlada ee gobolka Gedo. Wariyaha VOA-da Sahra Cabdi Axmed oo joogta Washington ayuu qadka telefoonka Gedo ugu warramay.

Wareysiga Col. Warfaa Sheekh Adan
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:50 0:00


XS
SM
MD
LG