Isku xirrada

Ciidamada Ethiopia oo ka Baxay Moqokori


Ciidanka Ethiopia

Ciidanka Ethiopia

Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa deegaanka Moqokori ee gobokla Hiiraan ayaa saakaya aroortii hore ka baxay degaankaasi.

Ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee degaankaasi ayaan horey loo sii shaacinin, waxaana caddeyn in bixitaankooda uu yahay mid rasmi ah iyo in kale.

Gudoomiyaha Moqokori Xasan Barre Makaran ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay u sheegeen inay deegaanka uga baxeen howlgal.

Wariyaha VOA ee magaalada Beledweyen Xuseen Xasan Dhaqane ayaa bixitaanka ciidamaasi ka wareystay Gudoomiyaha Moqokori Xasan Barre Makaran.

XS
SM
MD
LG