Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Caafimaad ee Hillary Clinton oo Soo Wanaagsanaaneysa


Hillary Clinton
Hillary Clinton

Dhaqtarka Hillary Clinton ayaa sheegtay in musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Dimoqraadiga ay si wanaagsan uga soo kabaneyso xanuunka Oof wareenta ee ku dhacay, ayna diyaar u tahay inay noqoto madaxweynaha Mareykanka.

Warqad uu baahiyey ololaha Clinton arbacadii, ayaa Dhaqtar Lisa Bardack waxa ay ku sheegtay in Clinton la marsiiyey computer muujiyey inay qabto jeermiska xanuunkan hase yeeshee ay soo wanaagsanaaneyso kadib markii la siiyey dawooyinka jeermiska dila, ayna qaadatay nasiino.

Clinton ayaa waxaa la filayaaa in ay maanta dib u billowdo ololaheeda doorasho kadib saddex maalmood oo ay nasaneysay.

Xanuunka Clinton ayaa soo shaac baxay 11-kii bishan kadib markii muuqaal laga duubay ayada oo ka tageysa munaasabd lagu xusuusanayey weeraradii 11-kii September, markaasi oo la arkayey ayada oo garbaha laga hayo ,islamrkaana socodka ku turan turooneysa.

Arrintan ayaa sii xoojisay weerarada musharaxa Donald Trump oo horey u sheegay inaysan lahayn caafimaad ay madaxweyne ku noqoto.

XS
SM
MD
LG