Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Deegaanada Somalida oo si Weyn Looga Ciiday


Eid in Mogadisho
Eid in Mogadisho

Guud ahaan waxaa si weyn looga ciiday deegaanada Soomaalida ee ku yaalla gobolka Geeska Afrika, iyada oo masuuliyiinta Soomaaliduna ay la tukatay shacabka.

Magaalada Muqdisho, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadweynaha kala qaybgalay salaadda Ciidda isaga oo hambalyo u diray, wuxuuna madaxweyne Xasan ka hadlay culayska dadweynaha ka soo foodsaaray xadidaadda dhaqdhaqaaqa, isaga oo madaxweynuhu arrintaas ku macneeyey inay tahay u diyaargarawga shir-goboleedka IGAD ee ay Soomaaliya martigelinayso maalinta berrito ah.

Magaalada Hargeisa, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dadweynaha kala qaybgalay salaadda ciidda isaga oo hambalyo u diray guud ahaan shacabka, sidoo kale wuxuu baaq nabadeed u jeediyey beelo diriri ku dhex martay gobolka Sanaag.

Magaalada Nairobi, Qaybaha kala duwan ee bulshada Muslinka ah ayaa ku tukaday goobaha banaan ee loo asteeyey, waxaana meelaha sida weyn looga ciiday ka mida xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay ee Islii halkaas oo masuuliyiin Soomaali ahi ay dadweynaha salaadda la tukadeen.

Magaalooyin ay ka mid yihiin Nairobi, Garisa, Gaalkacayo, Baydhabo, Garowe iyo Kismaayo ayaa wararka VOA ka soo gaadhayaa ay sheegayaan in si weyn looga ciiday goobahaas.

XS
SM
MD
LG