Isku xirrada

Madaxweynaha DFS oo Khudbad u Jeediyey Shacabka


Eid in Mogadisho

Eid in Mogadisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho kala qayb galay Salaadda Ciida isaga oo halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlay ammaanka, martigelinta shir goboleedka IGAD iyo weliba arrimaha Doorashooyinka.

“Waxaan munaasabadda ciidda awgeed hambalyo u dirayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan caalamka Islaamka, waxaana leeyahay Ciid Mubaarak meel kasta oo aad joogtaan.” Ayuu yidhi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka ugu baaqay shacabka inay u dulqaataan culayska ka yimi tallaabooyinka lagu sugayo ammaanka ee ay xukuumaddu qaadday isaga oo sheegay inay uga gol-leeyihiin Marti-gelinta shir-goboleedka IGAD ee maalinta Salaasada ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ka hadlaya arrimaha adkaynta ammaanka ee Muqdisho ee ku soo beegmay xilligan ciidda ayaa sheegay “Nabadgelyada iyo farxadda aan maanta ku ciideyno waxay qeyb ka tahay guulaha aan ka gaarney dib u dhiska dowladnimadeena iyo soo celinta nabadda iyo kala dambeynta, inagoo qireyna in wax badanna ay inoo dhiman yihiin” ayuu yidhi Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyey.

“Waxaa inagu soo fool leh shir madaxeed muhiim ah oo qabsoomidiisa ay ka tarjumeyso dib u soo noqoshada sumcaddii iyo sharaftii aan ku lahayn gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waa markii ugu horaysey ee madaxda IGAD ku kulmaan Soomaaliya tan iyo markii la aasaasay 1986-kii.

Tallaabooyinka la qaaday ee lagu xaqiijinayo qabsoomidda shirkan waxaa ka mid ah adkeynta amniga magaalada Muqdisho.” Ayuu yidhi.

XS
SM
MD
LG