Safiirka Cusub ee dalka Djibouti u fadhiyaya Soomaaliya Ambassador Aadan Xasan Aadan ayaa maanta waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Safiir Aadan oo waraysi siiyey VOA ayaa sheegay inuu xoogga saari doono kor u qaadista xidhiidhka labada dal, isaga oo si gaar ah u soo qaatay arrimaha dhaqanka iyo afka oo uu hore uga soo shaqayn jirey.
Waxa uu sheegay inuu dawladda Soomaaliya kala shaqayn doono arrimo ay ka mid yihiin hirgelinta Machad-Goboleedka qaabilsan arrimaha afka iyo dhaqanka.
Ismaaciil Xuseen Farjar ayuu khadka Telefoonka ugu waramay.