Isku xirrada

Obama oo Ballanqaad u Sameeyey Dalalka Koonfur Bari Asia


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta u caddeeyey hoggaamiyayaasha Koonfur Bari Asia ee ku kulmaya dalka Laos in Mareykanka uu garab taagan yahay dadka gobolka.

Obama ayaa dib u miisaamidda siyaasadda Mareykanka ee Koonfur bari Asia ka dhigay mid ka mid ah ahmiyadihiisa inta uu hayo xilka madaxweynaha Mareykanka oo ka dhammaanaya bisha January ee soo socota.

Waxa uu sheegay inuu rajeynayo in madaxweynaha isaga beddelaya uu sii wadi doona siyaasaddan.

Waxa uu sheegay inuu doonayo in la qaado tallaabooyin marka ay timaado ganacsiga dalalka Koonfur bari Asia, taasi oo ugu dambeyn shaqooyin ka abuuri karta gudaha Mareykanka, maadaama badeecadaha Mareykanka loo iibgeyn karo dalalkan.






XS
SM
MD
LG