Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Gabon oo Diiday in Codadka Dib loo Tiriyo


Ali Bongo
Ali Bongo

Madaxweynaha dalka Gabon, Ali Bongo oo mucaaradka ay ku eedeeyeen inuu doorashada qiyaanay ayaa maanta diiday baaqyo ku saabsan in codadka doorashada madaxtinimo ee dalkaas dib loo tiriyo, isaga oo sheegay inuusan lahayn awood uu ku amro in sidaas la sameeyo.

Kormeerayaasha Midowga Yurub ayaa sheegay inay muuqato sharci-darro ka dhacday natiijada muujisay in Bongo uu si dirqi ah kaga adkaaday Jean Ping oo la tartamayey .

Kormeerayaasha aya su’aal ka keenaya natiijada Upper Ogooue ee uu Bongo ku xooggan yahay, taasi oo muujineysa inuu ku guuleystay 95% codadka doorashada iyo in 99% dadka ay codeeyeen.

Mucaaradka ayaa ku dooday in tirada codadka gobolkaas laga badiyey xaqiiqda.

Bayaan kasoo baxay ayay Midowga Yurub ku sheegeen in tirada dadka codka dhiibtay ee sideedda gobol ee kale ee dalka ay aad uga yar tahay tan gobolka Upper Ogooue, ayna cel celis ahaan yihiin kaliya 48%.

Bongo, ayaa si kastaba sheegay in maxkamad dastuuria ah y tahay tan kaliya ee amri karta in codadka doorashada dib loo tiriyo.

“Waa inay dadka I weydiiyaan inaan sharciga ku dhaqmo, kuma xadgudbi karo sharciga, marka ay timaado dib u tirinta codadka, waxaa taas amri kara kaliya maxkamad dastuuri ah.

XS
SM
MD
LG