Isku xirrada

Jubaland oo Fasaxday Qaxooti ku Xayirnaa Xuduudda


Qaxooti

Qaxooti

Maamulka Jubaland ayaa u ogolaaday inay safarkooda deegaannada Jubbooyinka sii wataan qaxooti fara badan, kuwaas oo oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku xayirnaa deegaanka Dhoobley ee gobbolka Jubada Hoose.

Qaxootigan oo qeyb ka ah qaxootiga xerada Dhadhaab ee dib ugu soo noqonaya Soomaaliya, ayaa Jubaland ay xanibtay ayada ku doodeysa inay hay’adaha caalamiga ah aysan wax dib u dejin ah u diyaarin.

Go’aanka cusub ayaa yimid kadib wadahadlo maamulkaas uu la yeeshay masuuliyiin ka socday hay’adda UNHCR oo tagay shalay magalada Kismaayo.

Khadar Maxamuud Xareed, wariyaha VOA-da ayaa wasiirka arrimaha gudaha Jubbalanad General Maxamed Warsame Darwiish ka wareystay kulanka iyo waxa keenay inay ka laabtaan go'aankoodii hore.

XS
SM
MD
LG