Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Muhiimadda Casriyeynta Dekedda Magaalada Berbera


Berbera
Berbera

Dakadda Barbara ee waxay kumnnaan sano xarun u aheyd ganacsato iyo kalluumeyso, waxana ay dhacdaa Gacanka Cadmeedgaar ahaan halka laga galo dhanka koofureed ee Badda Cas.

Bishii August, baarlamaanka Somaliland ayaa ansixiyey heshiis qabya ah oo uu maamulku la galay shirkada DP World oo ah shirkad xarunteedu tahay dekadda magaalada Dubai.

Heshiiskan oo ku kacaya lacag dhan $442 million ayaa ogolaanaya in la ballaariyo furdada Berbera, laakin wali waxaa socda wada xaajoodka heshiiska.

Mashruucan oo hadii uu dhaboobo qaadan doona muddo 30 sana ah ayaa Dekedda Berbara ka dhigi doona mid ka mid ah meelaha ay sida weyn u adeegsadaan maraakiibta waaweyn ee caalamka ee maalin kasta mara biyaha Badda Cas.

Sidoo kale Dekeda ayaa la ballaarin doonaa wax ka badan saddex laab ballaca ay hadda ku fadhido, waxana taasi ay ka dhigeysaa in furdadu ay awoodi doonto in ay qaado ilaa iyo hal milyan oo konteenar, halka ay hadda qaado 60 kun oo konteener.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Saad Ali Shire ayaa sheegaya in casriyenta dekeda Berbara ay tartan geli doonto wadanka jaarka ah ee Djibouti.

Nuur Bukhaari ayaa warbixintan soo jeedinaya

Warbixin: Dekedda Berbera
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:01 0:00

XS
SM
MD
LG