Isku xirrada

Afar Qof oo Ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Beledxaawo


dagaal

dagaal

Afar qof ayaa ku dhimatay 10 kalena way ku dhaacmeen kadib dagaal maanta barqadii ka dhacay degmada Baledxaawo ee Gobbolka Gedo kaasoo u dhaxeeyay Ciidamo taabacsan Wasiirka Aminiga Maamulka Jubbaland iyo Maleeshiyo Beeleed hubeysan.

Sida ay Goobjoogayaal u xaqiijiyeen Laanta afka Soomaaliga ee VOA, Afarta ruux ee dhimatay ayaa kamid ahaa dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray, ayadoo dadka dhaawacana ay ku jiraan dad rayid ah.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib is qab qabsi iyo muran ka dhashay isbadal lagu sameeyay Maamulkii degmada Baledxaawo, isbadalkaas oo uu wado Maamulka Jubbaland.

Shalay ayay ahayd markii labo qarax oo is xig xigay ay ka dhaceen gudaha degmada Baledxaawo, kuwaasi oo ay dhaliyey dhimashada sadex ruux iyo dhaawaca tiro kale.

Xaalada magaalada ayaa wali kacsan waxaana wali hakad ku jura ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii dadweynaha ee magaalada Baledxaawo.

XS
SM
MD
LG