Isku xirrada

Q.M. Oo Cambaareysay Kuuriyada Waqooyi


Golaha Ammaanka ee Q.M. ayaa si wada jir ah u cambaareeyay tijaabada Kuuriyada Waqooyi ee gantaalkeeda riddada dheer ee ay dhawaantan sameysay.

Cambaareynta xooggan, waxa sidoo kale taageeray Shiinaha, oo ay xulufo dhow yihiin Kuuriyada Waqooyi.

15-ka Xubnood ee golaha ayaa Jimcihii war ku sheegey inay si hoose oo wada jir ah ula socon doonaan xaaladaha islamarkaasina ay qaadi doonaan tallaabooyin muhiim ah. Warka laguma sheegin waxay noqon doonaan tallaabooyinkani.

Warka cambaareynta, ayaa yimid kadib markii wada xaajoodyo dhowr ah lala yeeshay Shiinaha, taas ooh ore iyadu u ayidsaneyn soo jeedinta cambaareyntaasi oo uu Mareykanku soo diyaariyay.

XS
SM
MD
LG