Isku xirrada

War Deg-Deg ah

9 Qof oo Ku Dhimatay Weerarkii Banaadir Beach


Banadir Beach Attack
Banadir Beach Attack

Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa soo gaba gabeeyay weerarkii ka socdey makhaayadda Banaadir Beach ee Muqdisho abbaaro 3 am Jimcihii ee xilliga Muqdisho.

Ugu yaraan 9 ruux, ayaa la sheegey inay ku dhinteen weerarkaasi, oo ay kooxo ka tirsan al-Shabaab ku qaadeen makhaayadda fiidkii Khamiista, halkaas oo markii hore werarka ku billowdey gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxshay, oo ay daba socdeen rag hubeysan oo gudaha makhaayadda galay.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa Xaqiijiyay intirada guud ee dhimashada ay gaareyso 9 ruux oo Shan kamid ah ay yihiin dad Shacab ah, 2 Askari oo Ciidamada Ammaanka iyo 2 nin oo ah dableydii weerartay Maqaayadda Banaadir Beach.

Milkiilaha makhaayaddaasi C/risaaq Maxamed Jimcaale, ayaa VOA u sheegey in dadka dhintey ay laba shaqaalihiisa ahaayeen.

Maleeshiyaadka goobta weeraray, ayaa la sheegay inay ahaayeen 3 ruux.

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee Sonna, ayaa ku warantay in ruux looga shakisan yahay raggii weerarka soo qaaday isagoo dhaawac ah la qabtay, haddana la daweynayo.

Maleeshiyaadka al-Shabaab, ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaasi.

Dawlada Mareykanka ayaa si xoog leh u cambaareeysay weerarka iyadoo tacsi u dirtay ehelladii dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, waxeyna ballan qaaday in ay sii wadi doonto taageerada iyo la shaqeeynta dawladda Soomaaliya iyo ciidankeeda amniga si nabadda loogu soo celiyo dalkaasi.

Hoos ka dhageyso wareysiga Cabdirisaaq

Shabaab oo weeraray maqaayad
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:15 0:00

XS
SM
MD
LG