Isku xirrada

Shabaab oo Weerartay Makhaayadda Banaadir Beach


Kooxda al-Shabaab, ayaa weerar ku qaaddey fiidkii hore ee Khamiista maqaayadda Banaadir Beach ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka geysteen qaraxyo ismiidaamin ah iyadoo markii dambena rag hubeysan la sheegay inay gudaha u galeen maqaayadda.

Waxa jira dhimasho iyo dhaawac illaa iyo hadda la caddeyn caddadooda intay gaarsiisan tahay.

Saraakiisha ammiga ayaa ku waramay inay ku guda jiraa howl gal lagu soo bad baadinaayo dadka maqaayadda ku jira.

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee Sonna, ayaa ku warantay in ruux looga shakisan yahay raggii weerarka soo qaaday isagoo dhaawac ah la qabtay, haddana la daweynayo.

Wariye ku sugan goobta ay wax ka dhaceen, ayaa VOA u sheegay in la soo bad baadshay tiro dad ah oo ka agdhawaa makhaayaaddii la weeraray.

Kooxda al-Shabaab, ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.

Wixii warar ah ee soo kordha, isha ku hay VOAsomali.com

XS
SM
MD
LG