Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada Dhulgariirka Talyaaniga oo Korortay


Dhulgariirkii arabacdii ruxay dalka Talyaaniga ayaa dilay ugu yaraan 247 qof islamarkaana dhaawacay in ka badan 360, sida ay maanta sheegtay hay’adda badbaadinta rayidka Talyaaniga.

Ra’iisul wasaare Matteo Renzi ayaa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ku safray goobihii dhulgariirka uu saameeyey, waxa uuna gacan qaday dadka mutadawiciinta ah ee badbaadinaya dadka guryaha ay kusoo dumeen.

Waxa uu diiday inuu wax war ah siiyo warbaahinta isaga sheegay in “aysan ahayn waqti la hadlo”.

Waxa uu goor sii horeysay shaaca ka qaaday inaysan jiri doonin qoys, magaalo ama xaafad kaligeed laga tago.

Dhulgariirka oo dhacay 3:30 subaxnimo ee arabacadii ayaa cabirkiisa lagu sheegay 6.2, waxaana dadka ay waxyeelada kasoo gaartay ama ku dhintay ku jiray carruur.

XS
SM
MD
LG