Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weeraro Dhowr ah oo ka Dhacay Muqdisho


Qarax Muqdisho
Qarax Muqdisho

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta lagu toogtay magaalada Muqdisho sida ay goobjooagyaal u sheegeen warbaahinta.

Laba weerar oo kale ayaa ka dhacay Muqdisho xalay iyo maanta kuwaasi oo mid ka mid ah lala beegsaday guriga Wasiir-U-Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa.

Taliyaha Booliiska saldhigga Afar Irdood Gaashaanle Cabdulqaadir Axmed Shire ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay weerarka lagu qaaday guriga Wasiiru-Dawlaha, saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay inay shan qof usoo qabteen weerarka kuwaasi oo baadhitaan ku socdo.

Dhinaca kalena askari ka tirsan ciidanka dawladda ayaa lagu toogtay suuqa Bakaaraha ee Muqdishu mid kalana waa lagu dhaawacay markii ay soo weerareen maleehsiyo loo malaynayo inay ka tirsan Al-Shabab.

Ciidamada dawladda ayaa rasaastaais ka jawaabay waxayna toogasho ku dileen mid ka mid ah dadkii weerraka soo qaaday sida ay idaacadda VOA u sheegene saraakiisha dawladda.

Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo diray Xasna Kaafiq Qoyste.

Weeraro ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:23 0:00

XS
SM
MD
LG