Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo Howlgal ka Billaabay Xuduudda Syria


Turkey Syria
Turkey Syria

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in howl-gal milatari laga billaabay xuduudda woqooyi ee dalkaas uu la wadaago Syria, ayada oo la bartilmaameedsanayo dagaalayahanada Kooxda Daacish iyo kuwa Kurdiyiinta Syria.

Erdogan ayaa sheegay in howlgalkan milatari looga gol lee yahay in lagu soo afjaro halista argagixisada ee xuduudda labada dal.

Turkiga ayaa u arka Kurdiyiinta Syra inay isbaheysi la yihiin Kuridyiinta Koonfurta Bari ee dalka Turkiga, kuwaas oo dagaal muqaawamo ah oo tobaneeyo sano socda kula jira dowladda Turkiga.

Howlgalka maanta billowday ayaa waxaa qeyb ka ahaa hubka artilariga iyo diyaarado duqeymo fulinayey oo ay taageerayaan diyaaradaha isbaheysiga Mareykanka uu hogaamiyo.

Sidoo kale dhowr Taanki ayaa la arkayey ayaga oo ka qeyb galaya dagaalka.

Wasaaradda arrimaha dibedda Syria ayaa cambaareysay ficillada Turkiga oo ay sheegtay inay xadgudub ku yihiin madaxbanaanideeda.

XS
SM
MD
LG