Isku xirrada

War Deg-Deg ah

15 Qof oo ku Dhintay Dagaallo ka Dhacay Bakool


Shabaab
Shabaab

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay iska horimaadyo culus oo tan iyo shalay ka dhacayey gobolka Bkaool kuwaasi oo dhex maray maleeshiyada ururka Al-Shabaab iyo ciidamo deegaanka ah oo hoos yimaada maamulka Gobolka.

Dagaallada xooggooda ayaa ka dhacay degaanka Moora-Gaabey ee Gonbolka Bakool. Wararka aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo degaanka ah ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka wada tirsan yihiin dhinacyada dagaalku dhex maray waxaana ku jira 8 ka tirsan ciidamada deegaanka.

Sannad ka hor ayey ahayd markii ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ay weerarro culus oo xiriir ah ku qaadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahayd Gobolka.

Dhinaca kalena afar askari ayaa ku dhaawacantay kadib markii maanta maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar kedis ah ku qaadeen kolonyo ka kooban ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM, meel 7 km u jirta deegaanka Luuq Jeelow ee Gobolka Hiiraan.

XS
SM
MD
LG