Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Aabaha Wiil Somali Ahaa oo Lagu Dilay Sweden


Magaalada Gothenburg ee dalka Sweden waxaa xalay ku dhintay wiil Soomaali ah oo sideed jir ah kadib markii qol uu ku jiray lagu tuuray bam gacmeed.

Shilkan ayaa dhacay xilli ay qoyskan hurdeen iyagoo marti ku ahaa halkaasi.

Qoyskan ayaa ka yimid magaalada Birmingham ee dalka Biritan, waxana wiilka geeriyooday oo lagu magacaabo Yuusuf Warsame uu haystaa dhalashada Brittan.

Weriyahayaga London Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa waraysi la yeeshay aabaha wiilkaasi Cabdiwaaxid Warsame, waxana uu ugu horrayn weydiiyey sida ay wax u dhaceen.

Wiil Somali ah oo lagu dilay Sweden
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:46 0:00

XS
SM
MD
LG