Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada Qaraxyadii Gaalkacyo oo Korortay


Qarax Gaalkacyo
Qarax Gaalkacyo

Khasaaraha dadka ku dhintay qaraxyadii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa korodhay.

Mid ka mid ah dhakhaatiirta magaalada ayaa VOA u sheegay in guud ahaan dadka ku dhintay weerarkaasi ay iminka dhan yihiin 24 qof.

Goor dambena warar lagu kalsoon yahay ayaa weriyaha VOA ee Gaalakacayo u sheegay in tirada dhimashada ay gaadhayso 27 qof kadib markii saddex qof ay xalay dhaawac u dhinteen.

Haddaba Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka ee Gaalkacayo kula xidhiidhay Dr. Cabdulqaadir Maxamuud Jaamac “Dhagacadde” oo madax ka ah Isbitaalka Daawada ee magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu ugu horrayn weydiiyey khasaaraha ka dhashay weerarkaasi inta uu la’eg yahay.

Dhimashada qaraxyadii Gaalkacyo oo korortay
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:21 0:00


XS
SM
MD
LG