Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry oo Somalia iyo K/Sudan kala Hadlaya Dalalka Bariga Afrika


Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa ku sugan magaalada Nairobi, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeelan doono wasiirada arrimaha dibebba dalalka Bariga Afrika, ka hor inta uusan u baqoolin dalka Koonfur Sudan.

Kerry ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta, oo uu kula hadlay sidii xasilooni loogu dabaali lahaa dalkan curdunka ah.

“Dadka Koonfur Sudan muddo ayay dhibtoonayeen” Waxaa sidaas yiri sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha dibedda Mareykanka.

“Xasilooni darrada ka jirta dalkaas ayaa hogaamisay in hal milyan oo qof oo noqdaan qaxooti, taasi oo ka dhigtay wax bulshada caalamka ay awoodi waayaan inay wax ka qabtaan.

Kerry iyo wasiirada arrimaha dibedda Bariga Afrika ayaa sidoo kale la filayaa inay ka hadlaan xaaladda dalka Soomaaliya, oo iminka isku diyaarinaya doorashooyin baaarlaman iyo mid madaxweyne.

Qorshaha Kerry ayaa ah in wasiirada uu kala hadlo sidii gacan looga gaysan lahaa xasilooni kusoo dabaalidda Soomaaliya.

Faahfaahinta warkan waxaa Nairobi nooga soo dirtay Maryam Maxamuud Barre.

Kerry oo la kulmay Kenyatta
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:13 0:00

XS
SM
MD
LG