Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Haweeney 50 Bilood Xabsi ah Lagu Xakumay


Haweeney deggan gobolka galbeedka Mareykanka ku yaalla ee Kalaforniya, ayaa lagu xakumay 50 bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu heley dambi ah inay isku deyday inay Shiinaha u dhoofiso agabyo dayuurado dagaal, Drone iyo xogahooda ku saabsanaa farsamada.

Waaxda caddaaladda Mareykanka, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in haweeneydan lagu magacaabo Wenxia Man, oo sidoo kalena loo yaqaan Wency Man ay tahay 45 jir deggan magaalada San Diego, lagu heleyna dembigaaasi June 9-keedii.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegey in caddeymaha ay muujinayaan in intii u dhaxeysa March 2011 iyo June 2013 ay Man ay la shaqeysay oo xiriirna uu dhex marey Zhang Xinsheg si ay ugu dirto qalab ay ku jiraan matoorkii dyaarado dagaal iyo kuwa Drones ah.

Man, ayaa Zhang ku tilmaamtay inuu yahay basaase tiknoolajiyeeed, kaas oo la shaqeeya mileteriga Shiinaha si uu ugu min guuriyo xogaha laga helo dalal kale.

XS
SM
MD
LG