Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo 'Ku lug Yeelatay Fiditaanka Cudurka Daacuunka'


Markii ugu horreysay tan iyo markii uu sanadii 2010 cudurka daacuunka ama shuban biyoodka ku dilay dalka Haiti 10,000 oo qof, ayaa QM waxa ay qiratay in ciidamadeeda nabad ilaalinta ay kaalin ku lahaayeen fiditaanka cudurkaas.

Afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee QM Ban Ki-Moon ayaa sheegay in QM looga baahan yahay inay wax badan ka qabato fiditaanka cudurkan ee dalka Haiti, wuxuuna ballan qaaday ficillo jawaab ah oo QM ay ku qaado laba bil ama wax ka yar gudahood.

Haiti ayaa waxa ay isku dayday inay maxkamad la korto QM sababo la xiriira kaalinta ay ku lahayd cudurkan saf mareenka ah, hase yeeshee QM ayaa isticmaashay xasaanad diblomaasiyadeed.

Shalay oo khamiis ahayd, Maxkamadda racfaanka Mareykanka ayaa waxay mar kale aqabshay xasaanadda QM ay u adeegsatay dacwadaha kaga yimid dhibanayaasha cudurka Daacuunka ee dalka Haiti.

Warbixin cusub oo ku saabsan ku lug lahaanshaha QM ee fiditaanka cudurkan ayaa lagu shaacin doonaa kulanka guud ee QM ee dhacaya bisha soo socota.

XS
SM
MD
LG