Isku xirrada

Dadaallo laga Dhex Wado Galmudug iyo Ahlu-Sunna


Odowaa

Odowaa

Dowladda Somalia ayaa wadda dadaal ay ku dooneyso inay mar kale ku soo nooleyso wadahadallo dhex mara dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Ahlu-Sunna ee gobolada dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa kala hadlay maamulka Galmudug sidii loo soo nooleyn lahaa wada hadaladan oo horey dhowr mar loogu guul dareystay.

Wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Gaalkacyo.

XS
SM
MD
LG