Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Deng: Suudaanta Koonfureed Wey Deggan Tahay


Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Suudaanta Koonfureed Taban Deng Gai, ayaa sheegay in waddankiisu uu nabdoon yahay islamarkaasina uu deggan yahay.

Waxa uu sheegey inay hore u socdaan, kadib markii dib u qaabeyn la sameeyay, taas oo daba socotay isku dhacyo ka dhacay caasimadda dalkaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad seddex boqol oo qof bishii la soo dhaafay.

Deng, ayaa war-fidiyeenka kula hadlay Arbacadii magaalada Nayroobi, kadib markii uu la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Warbaahinta, ayuu ku eedeeyay inay si aan sax aheyn u soo tabinayaan in dagaal uu wali ka socdo caasimadda Jubba iyo meelo kale.

Waxa uu sheegey in taasi aysan run aheyn, oo uu dalkiisu deggan yahay islamarkaasian xasiloon yahay.

XS
SM
MD
LG