Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab iyo Shacab ku Dagaalamay J/Hoose


Shabaab
Shabaab

Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta iska horimaad uu dhexmaray maleeshiyada ururka Al-Shabaab iyo dadka deegaanka kadib markii sida dadka degaanku sheegeen Al-Shabaab ay gubeen babauur sidday dhuxul.

Ugu yaraan shan qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen iska horimaadka kuwaasi oo ka kala tirsan dhinacyada dagaalamay ilaa afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa dadka degaanku sheegeen inay diideen in baabuurta dhuxusha sidda ay tagaan magaalada Kismaayo taasi oo iska horimaad ka dhex dhalisay maleeshiyada kooxda iyo dadka degaanka.

Waxaa kale oo wararku sheegayaan in khilafka ay qayb ka tahay Al-Shabaab oo zakooyin ka qaada xoolaha dadka degaanka.

Dhinaca kalena wararka imanaya magaalada Saakow ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof ay qabqabteen maleeshiyada ururka Al-Shabaab kadib weerarkii toddobaadkii hore ay magaaladaas ku qaadeen ciidamada dawladda iyo kuwa Maraykanka.

Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarkaasi oo uu ku jiro sarkaal dhexe oo ka tirsan Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG