Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Joe Biden Oo Booqandoona Turkey


Australia Biden Visit
Australia Biden Visit

Aqalka Cad ee loogaga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay Jimcihii, in madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Joe Biden uu booqasho rasmi ah ku tagi doono dalka Turkiga, dhamaadka bishaan.

Booqashadiisa waxaa loo calaamadeeyey 24-ka Bishaan August, waxana uu noqon doonaa hogaamiyihii ugu horreeyey oo ka socda Reer Galbeedka oo taga Turkiga, tan iyo markii uu dhacay iskudaygii afganbi ee Turkiga 15-kii July ee sanadkaan.

Socdaalka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, ayaa kusoo aadaya xilli uusan qurxaneyn xiriirka Ankara iyo Washington, sababo la xiriira dalabka Turkiga ay uga dooneyso Mareykanka inuu ugu soo gacan geliyo Imam Fathullah Gulen oo ah wadaad ku nool dalkan Mareykanka, oo Turkigu uu aaminsanyahay inuu soo abaabulay iskudaygii afgnabi.

Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa ku warrantay in saraakiisha Turkiga ay diyaarinayaan codsi rasmi ah oo ay Mareykanka uga dalbanayaan in lasoo xiro Fathuleh Gulen oo madax u ah urur uu Turkiga hada u aqoonsaday argagixiso.

Horraantii todobaadkaan, waziirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Mareykanka ka heleen war wanaagsan oo muujinaya in ay tixgelinayaan soo gacan gelinta wadaadka.

Laakin Ra’isulwazaare Binali Yildrim ayaa ku celceliyey in booqashada madaxweyne Biden aysan furi doonin dood ay labada dhinacba hal meel isugu keeni karto marka ay timaado arrinta wadaadka.

Sare u qaadida xiriirka labada wadan ayuu Ra’isulwasaare Yildirim ku sheegay in ay ku xirnaan doonto soo gacangelinta Gulen, isaga oo intaasi ku daray inaysan hadda muuqan furitaanka doodaasi.

Turkiga ayaa sheegay in iskudaygii uu dhiiga badan ku daatay ee ka dhacay dalka, uu ka danbeeyey Gulen oo masaafuris iskiish ah u joogay baadiyaha gobolka Pennsylvania ee dalkaan Mareykanka, tan iyo sanadki 1999.

Koox ka tirsanaa Milatariga Turkiga oo ku hubeysnaa Taangiyo iyo diyaarado dagaal ayaa ku dhawaaqay in ay afganbiyeen dowlada uu rayidka ah ee uu madaxda ka yahay madaxweyne Erdogan.

Fathullah Gulen, waa uu beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa eedeymaha ay dowladda usoo jeediyey.

XS
SM
MD
LG