Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mo Farah oo 10-kun ee Mitir ku Guuleystay


Mo Farah Orodyahanka asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda ee u orda Britain ayaa ku guuleystay biladda dahabka ee orodka 10-ka kun ee mitir ee ciyaaraha Olympic ee ka socda Rio.

Mo Farah ayaa noqonaya orodyahankii u horreeyey ee Britian ah ee markii saddexaad ku guuleysta biladdaha dahabka ee olombikada.

Mo Farah ayaa olombikadii London ee 2012-kii wuxuu ku guuleystay biladaha dahabka ee orodka 10-kun iyo 5-kun ee mitir, isagoo 2013-kii iyo 2015-kii sidoo kale ku guuleystay orodada 5-kun iyo 10-kun ee mitir ee caalamka.

XS
SM
MD
LG