Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiil Ka Tirsan Shabaab Oo La Dilay


Somalia al-Shabab
Somalia al-Shabab

Maleyshiyo beeleed gacan saar la lehDowlada Somaliya ayaa xalay sadex ka mid ah maleeshiyaadka ururka Al-shabab, oo uu ku jiro sarkaal, ku dilay degaanka Luuq Jeelow oo qiyaastii 20 KM u jira Magaalada Baledweyne.

Malleeshiyo beeleedka weerarka qaaday ayaa ka careysnaa dil dhawaan ay al-shabab ugu geysateen deegaanka nabaddoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdulle Shiilaa.

Sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka al-shabab ee dagaalkaa ku dhintay ayaa lagu magacaabaa Cabdi Cali Dhagaweyne, wuxuuna u qaabilsanaa Shababka howlgaladda Galbeedka Beledweyne.

Hadaba si aan xog badan uga helno ayaa wariyaha VOA Jaamac Buulle Jaamac, wuxuu wararki ugu danbeeyey ee dagaalkaasi ka wareysanay gudoomiyaha degmada Beledweyne Max'ed Macallin Cismaan Qalafoow.

Wareysiga gudoomiyaha degmada Baladweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:12 0:00


XS
SM
MD
LG