Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Somaliland oo ka Dooday Heshiiska Berbera


Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay heshiiska ay dhawaan wada galeen xukuumada Somaliland iyo shirkada DP World ee ku saabsanaa maal galinta dekeda Berbera.

Heshiiskan oo ku kacaya in ka badan afar boqol oo million oo dollar, ayaa waxaa dhowaan baarlamanka u gudbiyey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Mudanaayaal door ah oo fadhigan saaka ku sugnaa ayaa ka dood kulul yeeshay heshiiska oo qaarkood ku taageersanaayeen heshiiskaasi halka kuwo kalena ay ka soo hor jeedeen.

Wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac oo fadhigan ka qayb galay ayaa warbixintan nooga soo diyaariyay

Heshiiska Dekedda Berbara oo laga dooday
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:36 0:00

XS
SM
MD
LG