Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaalada Cayaatoyda Soomaalida ee Olombikada


Soomaalida Rio
Soomaalida Rio

Iyadoo Somalia ay ku jirtay colaad sokeeye iyo burbur ayaa hadana dhinaca kale waxaa ay mar walba u direysay tartamada gobolka iyo cayaaraha Olombikada caalamiga ah koox hadba matasha Somalia.

Shaqada ugu weyn ee ay qabtaan ayaa waxa ay aheyd inay tartamadaa ka muujiyaan calanka iyo jiriraanka magaca Somalia.

Laakiin, caqabadaha horyaalay cayaartooyda Soomaaliya mataleysa, laga soo bilaabo tababarka, niyadda iyo daryeelka waxey ahaayeen kuwo muuqda.

Waa taas sababta ay Saamiya Cumar oo ka mid ahayd Orodyahanadii matalayay Somalia cayaarihii olombikada ee lagu qabtay Beijing ay nafteeda ugu biimeysay Tahriib ay ku dhimatay sanadkii 2012-kii.

Waxaa kaloo Muqdisho ku dayacan oo xanuunka dhimirka uu ku dhacay, cayaarahankii Saamiya ku wehliyay Beijing Cabdinaasir Saciid Ibrahim.

Hadaba warbixin uu ku eegayo xaaladda cayaaryahanada Olombikada Somalia ku matala waxaa inoo diyaariyay wariyeheenna Jamaal Axmed Cusmaan.

Xaaladda Cayaartoyda Soomaalida
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:22 0:00

XS
SM
MD
LG