Isku xirrada

Hoobiyayaal Lagu Tuuray Baydhabo


Bartamaha Baydhabo

Bartamaha Baydhabo

Kooxda al-Shabaab ayaa hoobiyaaal xalay ku garaacay qeybo ka tirsan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyayaashu ay ku dhaceen xaafad u dhow xarunta madaxtooyada ee maamulka Koonfur Galbeed iyo waliba garoonka diyaaradaha.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay hoobiyayaashan, waxaana sidoo kale dhaawacmay 4 qof oo kale.

Qofka dhintay ayaa ah gabadh 15 sano jir, halka dadka dhaawacmay uu ku jiro wiil toddoba sano jir ah. Dhammaan dadka dhibaatadu soo gaadhay ayaa kasoo jeeda hal qoys.

AMISOM ayaa sheegtay in dhowr madfac ay ku dhaceen meelo ay dadku dagan yihiin iyo cisbitaal ku yaalla magaalada oo khasaare gaystay.

XS
SM
MD
LG