Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Eedeymo La Xiriira in La Iibsaday Raashin Gargaar


Maamulka gobolka Gedo ayaa jeedisay eed la xariirto in raashin loogu talagaley gobolkaasi oo ay dowladda Turkiga bixisey in lagu iibsadey magaalada Kismaayo.

Arrintan ayey ku eedeeyeen inay qeyb ka ahaayen saraakiil kasoo jeedo gobolka Gedo iyo kuwa maamulka guud ee Jubbaland. Guddomiyaha gobolka Gedo Ahmed Bulle Canjeex ayaa VOA u sheegay in ay hayaan caddeymo arrintaasi la xiriirta.

Dhinaca kale masuuliyiinta arinkaasi lagu eedeeyey waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubblanad Maxamuud Sayid Adan, waxana uu warkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid aan waxba ka jirin, oo deeqdii loogu tala galay dadkaasi ay durbaba Isniintii shalay ka billaabeen qeybinteeda degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Qeybtan hoose ka dhageyso wareysiyo arrimahaasi la xiriira.

Dhageyso Eedeymo iyo jawab la xiriirta raashin la lunsaday
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:12 0:00

XS
SM
MD
LG