Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin Ku Saabsan Shirka Yali    


YALI
YALI

Waxaa maalmahan ka socday dalka Mareykanka Shirka Hogaanka Dhalinyarada Mustaqbalka ee Qaarada Africa ee loo yaqaano Yali.

Barnaamijka YALI oo soo bilowday sanadki 2014-ki, ayaa waxaa hal abuurkiisa lahaa madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, hadafka laga leeyahayna waa horumarinta iyo dhiiri gelinta dhalinyarada Africa.

Dhalinyaradan oo ka kooban 1,000 ayaa waxaa loo kala qeybiyey qaar ka mid ah gobollada dalka Mareykanka. Qeyb ka mi ah ayaa waxaa ay tababaro ku qaadaneyeen maalmihi lasoo dhaafay jaamacadaha William & Marry ee magaalada Williamsburg iyo Jaamacada Virginia Tech ee magaalada Blacksburg ee gobolka Virginia.

Hadaba dhalinyaradaasi waxaa ka mid ahaa, Muse Xasan Cabdi oo ka socday dalka Jabuti, iyo Cabdi Raaxoy Qasim oo ka yimid magaalada Mandhera ee dalka Kenya.

Wariyaha VOA, Nur Hassan Nur Bukhari, oo shirkaasi nooga soo warramayey ayaa magaalada Williamsburg ku wu wareystay labadani dhalinyaro.

Wareysiga koowaad waxaan la yeelanay Muse Xassan Cabdillahi

Wareysiga Muse Xasan Cabdillahi
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:28 0:00


Sidoo kale halkaan ka dhageyso wareysiga labaad waa Cabdi Raaxooy Qaasim.

Cabdi Raaxooy Qaasim oo ka hadlaya shirka Yali ee Dhalinyarada Africa
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:46 0:00



XS
SM
MD
LG