Isku xirrada

War Deg-Deg ah

13 qof oo ku Dhimatay Qaraxyo Iyo Weerar ka Dhacay Muqdisho


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ururka Alshabaab ay weerar ku qaadeen xarunta dembibaadhista Qaranka ee Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in laba gaari oo walxaha qarax laga buuxiyey lagu weeraray afaafka hore ee xarunta dembi-baadhista.

Sida laga soo xigay Wasiirka Amniga Somaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay weerarkan10 kalena wey ku dhaawacantay.

Todoba ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa maleeshiyadi ururka Al-shabaab halka 5 qof oo kalena ay shacab yihiin. waxaa kaloo weerarka ku dhintay hal askari.

Si aan faah faahin dheeraad ah uga helno weerarkaasi, ayaa waxaan ka wareysanay waziirka Amniga Qaranka Soomaaliya Md. Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Waxa uu u warramay wariyaha VOA-da ee magaalada Muqdisho, Cabdulqadir Cumar Cabdulle.

Halkaan ka dhageyso wareysiga waziirka amniga Soomaaliya.
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:35 0:00




XS
SM
MD
LG