Isku xirrada

Mareykanka oo Ka Walaacsan Xaaladda Turkiga


Mareykanka, ayaa ka walaacsan xaaladda dalka Turkiga, kadib markii Ankara ay sii laba jibbaartay inay beegsato kooxaha lagu eedeynayo inay afgambigii dhicisoobey qeyb ka ahaayeen iyo tagaeerayaashooduba.

Dowladda Turkiga, ayaa amartay in la xiro in ka badan 130 xarumo warbaahineed oo isugu jira wargeysyaal, Tv-yo, Radiyowyo iyo wakaalad wareedyo. Waxa sidoo kale la amrey in la soo xiro 90 wariye.

Afhayeen u hadlay aqalka cad, John Kirby, ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin xaaladda.

Waxa uu Kirby sheegay in Turkiga oo saaxiib iyo sibaheysi la ah ay arrintooda saameyneyso, sidoo kalena dimuqraaddiyaddooda.

XS
SM
MD
LG